U bood dhigaalka

Caruur Gaajo Ugu La’anaya Waqooyi Beri Nigeria

Sheeko:Dalka

Ururka dhaqaatiirta aan xuduudda laheyn  ayaa waxa uu sheegayaa in kumanaan caruur ah oo ku sugan dalka Nageria  ay u geeriyooden  macluul iyo cudurro gaar ahaan gobolada ay heysteen ururka BokoHaraam.

Warbixin uu soo saaray Ururkaan ayaa waxa uu ku sheegay in wadanka Nigeria ay kumaan caruur ay u geeriyoodeen Gaajo iyo cudurro kala duwan gaar ahaan waqooyi bari ee dalkaasi oo ay ku xooganaayeeyn Ururka BakoHaraam taasoo awoodi waayeen Hey’addaha gaar gaarka in dadkaasi ay gaarsiin waayeen wax kaalmooyin ah.

Warbixinta uu ururka soo saaray ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay ka dib markii uu baaritaan sameeyey in hadda la ogaaday dhibaatada bani’ aadanimoo ee ka jirta dalkaasi  ayn  Ha,adaha gargaarka ay ugu baaqayaan in dadkaasi loo gurmado ka hor inta aysan caruur kale oo intaasi ka badan ay macluul ugeeriyoon.

Madaxa xaaladaha degdega ah ee Ururka dhaqaatiirka aan xaduudda laheyn gabadha lagu magacaabo Rubeertis ayaa waxa ay ka dhawaajisay in xeryaha xaqootiga ee ku yaallo waqooyi bari ee dalka Nageria ay xaalado bani’aadanimo ay ka jiraan  rubac caruur ahna  oo da’doodu tahy 5sano ay u geeriyoodeen Haraad Macluul iyo waliba cuduuro kala duwan .

Wadanaka Nigeria ayaa waxaa ka qaxday ku dhawaad 2.6 malyan Hal malyan oo ka mida waa caruur dadkaasi guryahooda ay iska carareen ka dib markii kooxda Boko Hraam ay wadankaasi ay ka waday dagaal muddo ku dhow 7 sano dagaalkaas ayaa waxaa ku geeriyooday dad lagu qiyaasay 20 kun oo qof.