U bood dhigaalka

Caruur Ku Geeriyootay Dagmada Cabudwaaq Ee Waqooyiga Gobalka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Sedex caruur ah ayaa ku geeriyootay dagmada Cabdwaaq ee waqooyiga Galgaduud, ka dib markii ay ku qarqoomeen Barkad ay u aadeen  in ay ku soo dabaashaan.

Geerida Caruurta  timid  ka dib markii mid  ka mid ah  uu is  ku dayay inuu biyaha galo si uu ugu dabaasho  waxa uuna ku qarqoomay Biyahii, labadii caruur ee kale ayaa isku dayay inay  ka soo saaraan  biyaha  sidaas ayeeyna ugu wada dhaceen Barkadda.

Mahad  Bashiir oo  ah adeerka sedexda caruurta ah ee geeriyootay ayaa sheegay inaysan jirin wax shaqo ah oo caruurta looga diray barkadda lakiin ay u aadeen in ay ku dabaashaan oo kaliya, waxa uuna xusay in caruurta geeriyootay ahaayeen hal Wiil iyo labo Gabdhood.

“Barkadda biyo loogama dirin cunugbaa dabaal u galay Gabdhuhuna iney ka soo qabtaan ayeey isku dayeen, ka dib waa ay kuwada dhaceen sidaa ayeeyna isku raaceen wax looga diray majirin”,

Sidoo kale Mahad ayaa sheegay in  caruurtu ahaayeen kuwo aad  yar marka loo eego biya baaxada ay lahaayeen iyo inaan loogu tala galin ayaga oo kale .

‘”Caruurtu aad ayeey  u yaaraayeen Gabarbaa u wey caruurta 15 jir aheyd Wiilkuna waxa uu ahaa 13 sano jir Gabadha u yarna waxa ay aheyd 11 sano jir”

waqityada sidaan oo kale marka Roobabka u da,aan qoys badan ayaa ku waayo caruurtooda ayagoo ku dabaasha biyo aad uga baaxad weyn, taas oo kakeenta in caruurtu ay geeriyoodaan ama dhibaato ka soo gaarto.

Goobjoog News

 

Mawduucyada:Galmudug