U bood dhigaalka

Caruur Ku Geeriyootay Degmad Buulo Burde Ee Gobalka Hiiraan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Buulo BurdeSedax Caruur ah ayaa cuduro ka dilaacay degmada Buulo Burde ugu geeriyootay, iyadoo ay jiraan dad xanuuno kala duwan qaba oo ku sugan gudaha degmadaasi.

Cuduradaan ka dilaacay degmada Buulo Burde waxaa ka mid ah Shuban Biyood, Malaria iyo Jadeeco iyadoo sidoo kale ay jiraan caruur iyo dad waaweyn oo la sheegayo in cudurkaan ay la jiifaan.

Cismaan Geedi Cilmi oo ah duqa degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in aanu jirin goobo dadkaan lagu baxnaaniyo, sidoo kalena sii baahista cudurkaan sabab ay u noqotay wadooyin badan oo xiran iyo Gurmad caafimaad oo aan imaan karin.

“Caruurtaan wey dhimatay, cuduro badan ayaa jira sida Malaria, Shuban biyood, Jadeeco iyo Nafaqa daro, yar iyo weyn ayeey ku dhaceen, xaafadaha ayaa la wada yaalaa, ilaa hadda wax caafimaad ah lama hayo, wadooyinka xiran ayaa sabab usii noqonqaya in xaaladda ay kasii darto, bukaanada lama qaadi karo, halkaanna gurmad looguma soo fidin karo” ayuu yiri duqa degmada Buulo Burde.

Dhinaca kale Cismaan Geedi Cilmi ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha samafalka ah in gurmad caafimaad oo deg deg ah lasoo gaaraan shacabka halkaasi ku dhiban.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News