U bood dhigaalka

Carruur La Il Daran Cudurka Maqaarka Ku Dhaca Oo Waalidkood Uu La Hadlay Goobjoog News

Sheeko:Dalka

In ka badan 40 carruur ah oo ku nool Wajer iyo tuulooyinka ku hareereysan ayaa la sheegayaa inay la il daran yihiin cudurada ku dhaca  maqaarka ah.

Xasan Salaad Geedi iyo Abshir Salaad Geedi, waa 2 walaalo ah oo ka mid ah carruurta uu cudurkan ku dhacay kaasoo sida ay sheegeen dadka deegaanka aan horay loo arag.

Sida ay dhakhaatiirta sheegeen cudurkan waxaa la dhahaa ICHTHYOSIS kaas oo calaamadaha lagu garto ay ka mid yihiin: Maqaarka oo qalala kadibna jeexjeexma, dheecaan iyo xanuun fara badan.

Geeddi Salaad oo ah aabaha dhalay 2da cunug, mar uu la hadlay Goobjoog News ayuu sheegay in Abshir oo ka mid ah labada wiil da’diisuna tahay 10 jir uu naafeeyey cudurkan, Geedi ayaa sidoo kale sheegay in wiilkan uu cudurkaas ku dhashay.

Carruurta ayaa hadda lagu daweynayaa Isbitaalka Kenyatta Hospital.