U bood dhigaalka

Caruur Soomaaliyeed Oo Biyo La’aan Ugu Geeriyooday Yemen

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya dalka Yemen, gaar ahaan xerada Al-kharas oo ay ku sugan yihiin Qaxooti badan oo Soomaaliyeed ayaa sheegaya in halkaasi ay biyo la’aan darteed ugu geeriyoodeen Caruur.

Wariye Madaxbanaan oo ku sugan halkaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay xeradaasi ku dhinteen 2 Caruur ah, ka dib markii ay waayeen biyo, taasina sidoo kale dadka ay u dheertahay raashiin la’aan.

“Waa xero ka dheer magaalada, dadkaan wax ay meesha ku haystaan malahan, hay’adihii wey ka kala carareen, hadii dadkaan aan laga soo gaarin maalmaha soo aadan dad badan ayaa biyo la’aan iyo raashiin la’aan u dhiman doona” ayuu yiri Wariyaha madaxa banaan.

Dhanka kale dadka ku sugan xerada Al-kharas qaarkood waxa ay la il daran yihiin xaalado caafimaad darro ah, iyadoo dhanka kale ay jiraan dad la’il daran haraad iyo baahi.

Arinta ugu naxdinta badan ayaa waxa ay tahay in caruurta caano ahaan loo siinayo biyaha baastada laga miiro, iyadoona gacanta ugu horeysa ay uga baahan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

Dalka Yemen waxaa ka soconaya dagaallo aad u culus, waxaana saameynta ugu badan dagaalladaan ay ku yeesheen Soomaalida qaxootiga ku ah dalkaasi, kuwaa oo u baahan in degdeg loogu gurmado.

Goobjoog News