U bood dhigaalka

Caruur U Dhimatay Roobka Dartiisa

Sheeko:Dalka

Dhimashada labada caruurta ah ee ka yar da’da labada sano ayaa la xaqiijiyey in ay isku biirsadeen cudurka jadeecada iyo roob xalay ka dul da’ay hooy ay ka deganaayeen Kaam ku yaallo degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Aamina Xuseen Xasan waa hooyada dhashay Xafso Maxamed Aadan oo qabowga dartiis iyo cudurka jadeecada ugu geeriyootay guri ay ka daganayeen degmada kaxda.

Aamina waxay sheegtay in xalay aysan indhaha isa saarin iyada oo xustay in waagu uu fadhi ugu baryey.“ Waxay xanuun saneed hadana xalay ayaa roobka ka tan badiyey iyada oo dhimatay ayaa la arkay  waxaana hayey cudurka jadeecada”.

Guddoomiyaha degmada kaxda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay  in qoysaska barakaca ku ah degmadaani ay ubaahanyihiin caawimaad dhan walba leh isaga oo dowladda Soomaaliya ugu baaqay in dhankooda ay ka qaataan.

“Baaq dheer waxaan u dirayaa dhammaan hay’adaha sama falka dowlad goboleedka koofur galbeed  iyo dowladda Soomaaliyeed iyo cid allaala cidii dadkaas wax tari karo baahida hadda ay qabaan waa waxa ay kagalaan qorraxda iyo roobka”.

Goobjoog News