U bood dhigaalka

Caruur Ugu Geeriyootay Cudurka Jadeecada Sh/Dhexe

Sheeko:Caafimaadka

Inta la xaqiijiyay saddex caruur ah ayaa ugu geeriyootay cudurka Jadeecada oo ka dilaacay degmada Raage-ceyle ee gobolka Sh/dhexe, waxaana ay wararka sheegayaan in xanuunkan ay hadda la il daranyihiin caruur tiradooda ay gaareyso 30.

Caruurta la il daran Jadeecada ayaa ku sugan deegaannada hoos yimaada degmada Raage-ceyle, kuwaasi oo uu ka dilaacay cudurkan malan xarumo caafimaad oo lagu baxnaaniyo caruurta ay soo ridatay Jadeecada sida uu Goobjoog News uu u sheegay Cumar Cali oo ah guddoomiyaha degmada Raage-ceyle.

โ€œIlaa iyo hadda waxaa u geeriyooday xanuunkan Caruur gaareysa ilaa Saddex tiro intaas ka bandanna waa ay la jiifaan mana heystaan wax daryeel ah, deegaannadan malahan xarumo caafimaad waxay u baahanyihiin in laga soo gaaro dadkanโ€.

Afartii maalmood ee la soo dhaafay waxaa uu xanuunkan si isdaba joog ah u soo ridanayay caruur aad u tiro badan kuwaas oo hadda la sheegayo in 30 qof ay kor u dhaafayaan kuwa xanuunka la il daran.

Goobjoog News