U bood dhigaalka

Caruur Uu Soo Ritay Cudurka Jadeecada Oo La Dhigay Isbitaalka Banaadir (Dhageyso)

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in isbitaalkaasi la seexiyey in ka badan 100 caruur ah oo ay soo riteen cudurada faafa oo ay ugu horreyso Jadeecada.

Dr. Maxamed  C/raxmaan oo ah madaxda caruurta ee isbitaalka Banaadir ayaa u sheegay Goobjoog, in sidoo kale ay jiraan caruur la jiifa Shuban Biyoodka, TB iyo Nafaqo darri.

Kiisaskan ayuu sheegay in bishan ay aad usoo kordheen, islamarkaana dhankooda ay dedaal badan ku bixiyaan.

Sidoo kale, Dr. Maxamed ayaa sheegay in bishan gudaheeda ay isbitaalka seexiyeen caruur badan oo qaarkood dib loogu celiyey guryahooda.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News