U bood dhigaalka

Caruur Waxyeello Kasoo Gaartay Qarax Ka Dhacay degmada Deyniile

Sheeko:Amniga

Waxaa warar kala duwan ay ka soo baxayaan qarax khasaare geystay oo habeenimadii xalay ka dhacay degamada Deyniile ee gobolka Banaadir, waxaana waxyeello ka soo gaartay caruur deegaanka ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow Aargada degmada, waxaana uu ahaa walxaha qarxaha oo caruurtu ay ku ciyaareen iyaga oo gargaraay, taas oo keentay, in markii dambe uu ku qarxo.

Waxaa inta la xaqiijiyey qaraxaas ku geeriyooday labo caruur ah, waxaana sidoo kale uu dhaawac ka soo gaaray mid kale, caruurta mid kamid ayaa deganaa goobta  ay wax ka dhaceen meel u dhow.

Degmada Deyniile ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyada nuucaan ah, waxaana inta badan ka dhasha khasaare soo gaara caruurta oo aan aqoon u laheyn walxaan, mana jiro cid isku howshay in laga uruuriyo walxahaan degmada.

Goobjoog News