U bood dhigaalka

Caruurta oo Dhibaato Ka Soo Gaartay Fatahaadda Webi Shabeelle

Sheeko:Dalka

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhibaatada fatahaadda ay u geysatay qoysaska Soomaaliyeed gaar ahaan caruurta.

Labadii bil ee la soo dhaafay, hey’adaha gargaarka waxaa ay sheegayaan in ay biyaha barakiciyeen in ka badan 240,000, dhibaato ku dhacday dalaga iyo xoolaha, kuwaas oo u baahan gargaar iyo gacan qabad.

Dhanka kale, waxaa ay dhibaato gaar ah soo gaartay caruurta, muddada barakaca waxaa meesha ka baxay iskuuladdii waxbarasho, waxaa ay biyo galeen garoomada iyo dhammaan goobihii ay tagi jireen.

Waxaa ay wararku intaas ku darayaan in dhibaato ay ka soo gaareen cudurada ka dhashay biyo baxada.

Goobjoog News