U bood dhigaalka

Caruurta Soomaaliyeed Oo Dayacan , Sanad Kadib Heshiiskii Xuquuqdooda Oo Ay Saxiixday Dowladda

Sheeko:Dalka

Hooyo Muumino Aadan Cali Iyadoo Boorka iyo Siigadda ka kacaysa Hareeraha Wadadada Maka Al-Mukarama , Gawaariduna dhinac kasta ay isku dhaafayaan ayay ku Maawaylinaysaa Caruurteeda tan ugu yar oo 2,sano uun dhalan .

Waxaa kale oo dhinac jiifa 3 wiil oo aan da’badan kala wayneen , sidaas oo ay tahayna Muumino Aadan Cali waxa ay nolol maalmeedka uga raadisaa dawarsi.

Waxa ay ka waramaysaa xaqqa caruurteedu u leeyihiin inay nolol wanaagsan ku noolaadaan iyo sida ay hadda tahay noloshooda.

“Waxbarasho la’aan waaye caruurtayda , caafimaad iyo daryeel wanaagsan midna ma haystaan, waxaan u baahanahay in caruurtaydu helaan daryeel la mid ah kuwa ku nool nolosha sare laakin taasi rajadeeda iima muuqato, dowladda Soomaaliya ay tahay arintaasi inay hirgeliso “

Wadada Maka Al-Mukarama , gaar ahaan Aqalka Madaxtooyadda waa meesha ay fadhido hooyadan dandaraysan ee ilmaheedu aanay haysan xuquuqdii ay lahaayeen.

Intii aan waraysanayay oo qura waxaa i garab dhaaftay 10 Gaari oo ah kuwa loo yaqaan Pullet Proof (Xabaddu aan karin) ee ay qaatan madaxda waxa ayna ii sheegtay in mararka qaar ay ciidamadda Dowladdu ka kiciyaan wadadaasi gaar ahaan xilliga madaxdu ay baxayso.

Waxaa kale oo ay ii sheegtay in meel kasta ay u kaalmo doonatay si caruurteedu ay u helaan waxbarasho iyo adeeg caafimaad.

Waxaan u dhaqaaqay dhanka xerooyinka ay ku jiraan qoysaska barakacayaasha ah maadama ay nolol adag ku jiraan iyaga iyo caruurtooda .

Caruurta xeryahaasi ku jira ayaan haysan waxbarasho, caafimaad iyo daryeel qoys waana kuwa ugu badan ee iyagoo aan gaarin da’da shaqada misana shaqeeya .

Waxaan soo galay mid kamid ah guryaha ay ku jiraan barakacayaashan, halkan waxaa ku nool Nuur Cusmaan Samow , Marwadiisa iyo 11 caruur ah oo ay dhaleen kuwaas oo dhamaantood aan waxna baran daryeel dhamaystirana haysan .

Waxa uu yiri “ Walaahi caruurteeydu waa 11 tiradooda ilaah mahadiis , anigu saaka sidaan u baxay hadda ayaan imid wax wax dheef ah oo aan la soo noqdayna malahan, run ahaantii caruurtaydu ma haystaa daryeelkii ay xaqqa u lahaayeen , dowladduna wax nama siiso marka waxaan u baahannay in la inaga taageero dhankaasi, tusaale wiil kamid ah caruurtayda ayaa iskiis waxbarasho degaanka ah galay bishii markay dhamaatay lacag ayaa la isoo waydiiyay haye ma anigaa heli kara sidaas ayayna ku gabagabowday waxbarashadiisii”

Cabdullahi Maxamed Shirwac oo ah gudoomiyaha Hay’adda Tubta toosan ee Nabadda ayaa aaminsan in muhiimad ballaran ay leedahay caruurtu inay xaqoodu helaan .

“Waalidka iyo Macalimiinta iyo dadka kale caruurtu waajib badan ayay ku leeyihiin , haweenkuna sidoo kale inay doorkooda qaataan, Dhallinyaraduna waxaa laga doonayaa inay iyaguna ilaaliyaan xuquuqda caruurtu ay leeyihiin waana lama huraan in la horumariyo xaqqa caruurtu leeyihin”.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Sahro Maxamed Samatar ayaa sheegtay in dalku uu soo maray marxalad adag , intii burburka lagu jirayna caruurta iyo haweenku ay noqdeen kuwo u nugul u noqday dhibaatadii dhacday .

Waxa ay tiri “ Wadama dagaalladu ka dhacaan waxaa inta badan ay waxyeelo ka soo gaarta caruurta iyo haweenka, Soomaaliyana sidaas oo kale ayay soo martay, waa wax aan la dafiri karin in caruurtu ay waxyeelo ballarani ka soo gaartay burburka dalku intuu ku jiray maadama ay luntay waxwalba oo budhig u ahaa ilaalinta shuruucda dalka, dowladdu hadda waxa ay wadaa sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiska xeerka caruurta ee uu saxiixay madaxwaynaha dalka kaas oo waxbadan xal u noqon doona”.

Heshiiska ku saabsan Xuquuqda caruurta ee Madaxwaynaha Soomaaliya uu ansixiyay sanadkii horre manta oo kale (January/20/2016) ayaa dhigaya in Dowladda Soomaaliya ay hirgelisaa xuquuqaha caruurta uga soo baxdaa si cad oo aan exasho lahayn.

Hadaba caruurta aan helin wixii ay xaqqa u lahaayeen oo ka waramay xuquuqdooda iyo waxa ay jeclaan lahaayeen ayaa sheegay in ay nolol adag ku jiraan islamarkaasna ay u baahan yihiin inay helaan adeeg waxbarasho iyo mid caafimaad.

Waxa ay tilmaameen qaar kamid ah caruurtaasi oo la hadlay Goobjoog News inay doonayaan inay noqdaan madax Dowladda ka tirsan si ay berito u maamulaan dadka iyo dalkooda hooyo.

Qaramada Xubnaha ka ah heshiiska ku saabsan xuquuqda carruurta waxa ay aqoonsan yihiin in ilmo kasta uu xaq u leeyahay inuu noolaado iyadoo qodobka 7,aad ee heshiiskaasu uu dhigayo inay tahay in la diiwaan geliyo cunugga marka uu dhasho markaas oo uu xaq u yeelanayo marka laga bilaabo dhalashadda , xaqqaadasho jinsiyad, iyo haddii ay suuragasho xaqa inuu aqoodo oo ay xannaaneeyaan waalidkiis.

W/D: Munasar Maxamed Cabdi

Goobjoog News