U bood dhigaalka

Carwada Bandhigga Cuntada Oo Ka Furmay Dubai

Sheeko:Dalka

Carwada bandhigga cuntada ee (Gulfood Expo) oo sanadkiiba mar laqabto ayaa si rasmi ah uga furantay Dubai.

Waxa uu bandhiggan socon doonaa illaa 22-ka bishan, iyadoo uu furay wasiirka ganacsiga ee dalka Imaaraadka, Sheekh Hamdan Bin Rashid.

Waxaa bandhiggan kasoo qeybgalaya ilaa Shan Kun oo shirkadood, kuwaasi oo halkaa kusoo bandhigaya cuntooyin iyo cabitaanno kala duwan.

Soomaaliya waxaa bandhiggan kumatalaya illaa 40 shirkadood oo soo bandhigaya cuntooyinka dalka, iyo badeecadaha sida weyn uu dalka caanka ugu yahay sida Mooska, Liinta, Sisinta, Qumbaha iyo kuwo kale oo badan.

Hay’adda Geel ayaa fududeysay in ay ganacsatada Soomaaliyeed halkaasi kusoobandhigaan wax soo-saarkooda, iyadoo dalagyada dalka u raadineysa in suuq wanaagsan ay helaan, ganacsatada ku dhiirogelineysa iney kordhiyaan wax soo-saarkooda.

Ms. Charlee Doom waa sarkaal ka tirsan USAID, kana mid ah madaxda GEEL, waxa ay sheegtay in ulajeedka GEEL ay tahaysidii ay u kaalmeyn lahaayeen beeraleyda Soomaaliyeed si ay u kordhiyaan wax soo-saarkooda, looguna heli lahaa suuqyo loo iibgeeyo.

Carwadan oo ah mid aad u xiiso badan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya waxa ay sheegeen iney aad ugu faraxsan yihiin.

Goobjoog News