U bood dhigaalka

Carwada Buugaagta Mogadishu Book Fair Oo Guuleysatay Sanadkii 4aad

Sheeko:Dalka

Carwada Buugaagta ee Mogadishu Book Fair waxaa ayey maanta u tahay maalintii 3aad uguna dambeysay, waxaana ilaa saaka socday doodo ay dhalinyrada lahaayeen.

Waxyaabaha maanta laga hadlay waxaa jiray buugaagta sida “Tahriibtaye Danti Aad Leed Ma Gaadhay”, “Hillinka Toosan”, ‘U hiili Naafada’, “Hooyo Waa Lama Huraan”, “Qaran Dumis”, waxa kaleoo meesha lagu soo bandhigay filim dhaqanka ah.

Waxyaabaha xiisalaha lahaa waxaa ka mid ah: buug ka hadlaya cunto kariska, Haldoorka Nolosha iyo buugaag kale oo ay qoreen dhalinyaro aad u yar oo ka soo qeyb-galyaasha ay ka heleen.

Maanta Mogadishu Book Fair marti sharafka tagtay waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi, Ku-xigeenkiisa 1aad Abshir Axmed iyo ku-xigeenka 2aad Mowlid Guhaad, dhiiri-gelinta ka sokow waxaa Xaashi halkaasi geeyay “Haybso Dhaqankaaga”.

Carwadan oo 3 maalin socotay ayaa ku guuleysatay inay soo-jiidato dhalinyarada jecel akhriska iyo qoraalka.

Intii ay socotay waxaa marti ku noqday qoraayaal caan ah sida: Cabdi Latif Ega oo qoraaga Guban,  Axmed Yusuf, waxaa kale oo ku jiray Professor Mareykan ah ee Paul. D Williams kaas oo qoray ‘Fighting for Peace in Somalia..oo howl-galka AMISOM 2007-2017.

Dadka kale, waxaa ka mid ahaa Dr. Cali  Abubakar, oo guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Muqdisho, Fardousa Jama oo ku xeel-dheer dhaqanka iyo qoraayaal kale.

Waxaa xusid mudan inay buugaag iibsashada qeyb ka haayeen madaxda dowladda Soomaaliya sida ra’isul wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed, duqa Muqdihso ahna guddoomiyaha gobolka Cabdiraxmaan Yarisow, wasiirka arrimaha dibadda Axmed Cawad, xildhibaanno labada aqal iyo mas’uuliyiin kale.

Sanadkan waxaa carwada buugaagta ku cusbaa in buugaag loogu deeqay maktabadaha buugaagta ee “Maktabadda Guud Ee Cadaado” iyo Maktadda Garbahaarey”.

Carwadan waxaa soo qaban-qaabiyay  New Horizon, qoraal ay soo saareen waxaa lagu sheegay in halheys-ka sanadkan yahay “Literature and Expression in Education” oo ah in suugaanta lagu cabirro waxbarashada.

Goobjoog News