U bood dhigaalka

Casharada Laga Barnayo Tagista Madaxda Kala Duwan ee Kismaayo

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee dowladda gobaleedka Jubbaland gaaray madax kala duwan kuwaas oo la filayo iney ka qeyb galaan caleema saarka Axmed Maxamed Islaam Madoobe madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland oo dhowaan dib loo doortay.

Madaxda gaartay magalada Kisamaayo ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynayaashii hore ee dowladda Soomaaliya sida Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, waxaa kale oo ku jiray Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Deni oo uu wehliyo madaxweynihii hore ee maamulkaas Faroole, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah xisbiga Wadajir, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee BF iyo siyaasiyiin kale.

Magaalo xeebeedkan oo 50 km u jirta caasimadda Muqdisho waxaa horay u gaaray wufuud ay ka mid ahaayeen Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug Cabdikarim Guuleed iyo Koonfur galbeed Shariif Sheekh Axmed.

Dhanka kale madaweynaha Jubbaland oo ka warbixiyay safarka madaxdan kala duwan ee gaartay magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan caleema saarkiisa ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in madaxdaan ay yimaadaan magaalada si ay uga qeyb galaan caleema saarka.

Inkasta oo dowladda federaalka ah iska diiday natiijada doorashada Axmed Madoobe hadana tagista Kismaayo ee siyaasiyiinta intaasi la eg waa dhambaal cad oo ku socda madaxda fulinta ee dowladda federaalka ah, waxaana muuqato in cadaadiskooda iyo xeelad kasta oo ay adeegsadeen la diiday.

Waxaa khatar ku jira nidaanka federaalka waxaana la joogaa xiligii ay dowladda u tanaasuli laheyd maslaxadda qaranka halka mucaaradka iyo madaxda dowlad goboleedyada ee tagay Kismaayo laga rabo ilaalinta midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

Goobjoog News