U bood dhigaalka

Casharrada Shirka IGAD EE Muqdisho

Sheeko:Dalka

 Waxaa Talaadadii Muqdisho ka dhacay shir madaxeedka aan caadiga aheyn ee 28aad ee waddamada urur goboleedka IGAD, shirka oo noociisa ah oo markii ugu horeysay ka dhacay dalka Soomaaliya ayaa laga dhaxlay casharro badan oo taariikhi ah.

Shirka IGAD ee Muqdisho oo inta badan ujeedadiisu ugu muhiimsani aheyd in Soomaaliya muuqaal ku yeelato fagaaraha caalamiga ayaa la dhihi karaa arrintaas  waa lagu guuleystay.

Casharradda Shirka IGAD:

Guul Siyaasi Ah:IGAD in shir madaxeed markii ugu horeysay ku qabtaan magaalada Muqdisho waa arrin taariikhi ah, shir madaxadeedkan aan caadiga aheyn ee 28aad ayaa noqonaya markii ugu horeysay ee madaxda IGAD ay ku shiraan Soomaaliya tan iyo markii ururka la dhisay 1986dii.

Midnimada Soomaaliya: Adkeynta ixtiraamka ay IGAD u hayaan madax banaanida iyo midnimada dhulka iyo dadka Soomaalida waa tillaabo kale oo diblomaasiyadda wax badan ka badali doonto gaar ahaa arrinta Somaliland oo saameyn ku leh waddamada dariska.

Taageero AMNI: Dowladda Soomaaliya waxaa loo muujiyay in lagu garab-istaagayo arrimaha amniga, waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya in ay madaxdooda Muqdisho yimaadaan waa tillaabo cad oo dowladda loogu sheegayo in AMISOM ay sii joogi doonto….waa cusbooneysiin xagga sharciyadda ee AMISOM.

Shir Banii’aadamnimo: Waxaa shirka IGAD ka soo baxay, in New York lagu qaban doono shir looga hadlay howlaha banii’aadanimada Soomaaliya, taageero arrinkaas oo ku saabsan oo weliba ka dhacda xarunta qaramada Midoobey iyo shirka Jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa waa tillaabo muhiim u ah Soomaaliya.

Qaxootiga Soomaaliya: Qaxootiga Soomaaliya waxaa lagu dhiirgeliyay in ay dalka kusoo laabtaan, kana qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Taageerro Dhaqaale: Waxaa shirka lagu ballan-qaaday in IGAD iyo beesha caalamka ay dhaqaale ahaan taageeraan Soomaaliya, arrintaas oo wax badan ka tari doono horumarka dhaqaale ee dalka.

Doorashada Soomaaliya 2016-ka: Waddamada dariska ama IGAD iyo beesha caalanka waxaa ay ka mideysan yihiin in isbadal siyaasadeed uu ka dhaco dalka, doorashadana ay noqoto mid hufan oo waqtigeeda ku dhacda.

Marka arrimhaas aan kor ku soo sheegnay laga soo tago, waxaa shirka IGAD hareeyay heshiiska ay saxiixeen Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta, heshiiskaas  oo aan aheyn mid cusub laakin shirkan looga faa’ideystay.

Heshiiska Soomaaliya iyo Kenya:

Talaadadii labada madaxweyne Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta waxaa ay saxiixeen heshiis ay labada dal horay u galeen February 2016-ka, kaas oo hadda saxiixa labada mas’uul ka dib si rasmi ah u shaqeyn doona.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo dhiggiisa Kenya Amina Mohamed ayaa February 1, 2016-kii waxaa ay Adis Ababa ku saxiixeen heshiis loogu magacdaray Joint Commission of Cooperation (JCC) kaas oo dhigaya xiriir toos ah labada dhinac ah oo ku saabsan Socdaalka, Dhaqaalaha, Maalgeshiga iyo Nabad-galyada.

Qodobadda Heshiiskaas waxaa ugu muhiimsanaa:

In la fududeeyo Fiisayaasha labada dal.

In Duulimaadyo toos ah loo sameeyo Muqdisho iyo Nairobi oo marriinka iyo baaritaanka Wajer meesha laga saaro.

In KBC ama Kenya Commercial Bank Limited uu barach ka furto Muqdisho.

In la fududeeyo ganacsiga iyo isu gudubka xadka labada dal.

Arrinta qaadka ayaa aheyd midda keliya ee shalay ku cusbeyd, taas oo aan la dhihi Karin waxaa ay ku jirtaa ama qeyb ka aheyd heshiiskii February.

Marka February labada wasiir ay heshiiskaas kala saxiixdeen waxaa la sheegay in guddi farsmo loo qabanyo isla markaana fulinta la guda geli doono laakin in madaxda ay saxiixaan ayaa waxaa ay qaadatay 8 bil, waxaa la isweydiinayaa goorta fulintiisa ay bilaaban doonto.

Ugu dambeyntii shirka IGAD siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo xitaa amni ahaan waa guuleystay laakin muddo 5 maalmood ah dadka reer Muqdisho nafis waa loo diiday, cidul Adxa waxaa farxadeeda lumiyay jidadka ay dowladda xiratay, caalamka waxaa loo sheegay in amniga Muqdisho uu fiican yahay laakin dadka reer Muqdisho waxaa loo diiday dhaq-dhaqaaqa iyo farxadda, amniga caasimadda ee maanta waxaa uu la mid yahay amnigii jiray shirka ka hor, Maxaa diiday in amniga muwaadiniinta loo ilaaliyo sida midka ajaanibta.

Goobjoog News,