U bood dhigaalka

Casir “Waxbo Kama Ogeyn Isku Dhafka Xildhibaannada Galmudug”

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug, Cali Gacal Casir ayaa sheegay in aanu waxbo ka ogeyn isku dhafkii lagu sameeyey xildhibaannada Galmudug, kadib kulan wadatashi ah oo uu la yeeshay bulshada Cadaado.

Waxa uu sheegay Casir sidoo kale inaanu arag dastuurka la sameeyey ee Galmudug, sidoo kalena aan loo keenin liiska xildhibaannada Galmudug ee la isku dhafay.

“Waxbo kama ogeyn isku dhafka xildhibaannada Galmudug, Dastuurka la sheegay maba arag, liiska xildhibaannada la iima keenin” ayuu yiri Casir.

Dhanka kale, Casir ayaa sheegay in iyagu ay doonayaan oo kaliya sidii loo heli lahaa Galmudug oo mid ah, meeshana laga saaro wax walbo oo dhibaato keeni kara.

Waxaa jira khilaaf xooggan oo ka dhaxeeya madaxda sare ee maamulka Galmudug iyadoo ay dowladda federaalka waddo dedaal lagu xalinayo arrintan.

Goobjoog News