U bood dhigaalka

Cawad: Abiy Axmed Wuxuu yiri, Farmaajo Ayaa iiga Muhiimsan Madaxweynaha Mareykanka Trump

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibada ee dawladda federaalka Axmed Ciise Cawad oo shalay isniintii hortagay golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegay sida uu u xoogeystay xiriirka Soomaaliya iyo dalalka dariska.

Cawad oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri “Waad ka war heysaanbaan u maleynayaa xiriirka dalalka dariska waa soo xoogsanayaa, aad ayaan isugu soo dhowaaneynaa, waxaad ka arkeysaan isu socodka badan, Soomaaliya markii ugu horeysay waxaa ay horey uga jirtaa isu soo dhoweynta gobolka, waxaad arkeysaan kala yaacii dalalka qarakood ay nagu sameyn jiree iyo buuqii inuusam jirin, oo hadda Itoobiya, Eretrea, Djibouti iyo Kenya kulligood ixtiraamayaan qarannimada Soomaaliyeed, madaxweyneheennu booqashadii uu Eretrea ku tagay, booqashooyinkii kala duwanaa iyo heshiisyadii aan saxiixnay waxa ay ahaayeen kuwoo adduunka oo dhan soo dhoweeyey, dalalka dibadda ama Yurub ha ahaadeen ama jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa, ama Mareykanka waxaa ay noo sheegaan waxa ugu weyn aan qabanay inay aheyd in dalalka dariska aan isku soo dhowaney”.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibada ee dawladda federaalka Axmed Ciise Cawad   waxaa Senatorrada u sheegay in Abiy Axmed sheegay in Farmaajo uga muhiimsanyahay Trump“Ra’isul wasaaraha Itoobiya wuxuu yiri, Farmaajo ayaa iiga muhiimsan madaxweynaha Mareykanka Trump, waayo Trump waxyar buu ii dhimi karaa ama isiin karaa, laakin Soomaaliya ama waa isla dageynaa ama waa isla koreynaa, marka wuxuu yiri, Soomaaliya ayaa aad iiga muhiimsan, annaguna sidaas ayaan u aragnaa”.

Goobjoog News