U bood dhigaalka

Cawad: Al-shabaab iyo Al-qaa’ida Ma Hayaan Fikrado Soo Jiita Dadka

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha Dibedda Somalia Axmed Ciise Cawad oo sabtidii ka hadlay kulanka sanadlaha ah ee jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin argixisada, horumarrada jira, AMISOM, sidii Soomaaliya looga qaadi karaa cunaqabateynta iyo maalgeshi.

“In kasta uu Soomaaliya ay ku tilaabsatay “tallaabooyin aad u fiican”, oo xagga isbadal siyaasadda iyo dhaqaalaha ah, hadana weli waxaa uu dalka loolan kula jiraa argigixisada” sidaasi waxaa sabtidii jimciyadda qaramada midoobey ka hor sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya  Axmed Cawad

Wasiir Cawad waxaa uu intaasi raaciyey in xal waara arrintan loo helo, waxaa ay u baahantahay qaab wejiyo badan.

Mr. Cawad waxaa kale uu shirka sanadlaha ah ee jimciyadda qaramada midoobey ka hor sheegay “Iyada oo kaashaneysa saxiibadeed, qaranka waxaa uu xididad u siibay shabakada argigixisada iyo goobaha ay ku dhuuntaan, arrintaasi waxaa lala kaashtay culimaa’udiinka, oday dhaqameedka, haweenka, dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo badalo faafitaanka fikradaha ay ku jiraan naceynbka iyo mayal adeegga diinta”.

Wasiirka waxaa uu ku dooday in fikradaha Al-shabaab iyo Al-qaa’ida aaney aheyn kuwa dadka soo jiita, waxaa intaas dheer dadka oo hubka iska dhiibaya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Cawad waxaa uu qaramada midoobey ugu baaqay inay ka qaaddo cunaqabateynta hubka si ciidamada xoogga dalka ay awood ugu yeeshaan inay baabi’iyaan kooxaha argigixisada ah, weliba waqti kooban.

Waxaa kale uu u mahadceliyey AMISOM iyo shaqadaalaheeda, isaga oo ku ammaanay dadaalka ay ku bixiyaan nabadeynta Soomaaliya, isaga oo intaa ku daraya inay “abaal ku leeyihiin”.

Ugu dambeyntii, wasiir Cawad waxaa sheegay in Soomaaliya iyo saaxibadeed ay raadinayaan fursado ganacsi iyo mid maal-geshi in loo helo Soomaaliya.

Goobjoog News