U bood dhigaalka

Cawad “Ma Aqoonsanin Guddiga Miisaaniyadda Ee Golaha Shacabka” (Dhageyso)

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo goor dhow saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aanay aqoonsaneen guddiga miisaaniyadda ee golahaasi.

Wuxuu sheegay in guddigaasi la kala direy, islamarkaana waxa kaliya ee hadda la qaban karo ay tahay in guddoonka golaha shacabka uu soo dhiso guddi cusub.

Dhanka kale, Cawad ayaa sheegay in xildhibaannada golaha shacabka ee kala aragtida duwan aanay shirar siyaasadeed ku dhex qabsan karin xarumaha Villa Hargeysa iyo golaha shacabka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News