U bood dhigaalka

Cawad Oo Warqadaha Danjiranimo ka Guddoomay Safiirka cusub ee Faransiiska

Sheeko:Dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee France ee Soomaaliya Marwo Aline Kuster-enager.

Mr. Cawad ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo soo magacaabay, una rajeeyey  in Danjirad Aline horumarin doonto xiriirka Soomaaliya iyo France.

Safiiradda France Aline Kuster-Menager waxa ay ka mahadcelisay habka uu u soo dhoweeyay iyo yididiillada uu u muujiyay, waxa ayna carabka ku adkeysay in dadaal ballaaran ku bixin doonto sidii ay sare ugu qaadi lahayd xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo France u dhexeeya oo ay gaarsiiso heer aad u sarreeya.

Intii kulanka qaabilaada uu socday waxa ay labada dhinac kaga wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda France sidii lagu horumarin lahaa wax u adeegaya dana wadaagga labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah.

Goobjoog News