U bood dhigaalka

Cayaarahu Waa Ganacsi: Horyaalka Ingiriiska Oo Ka Dakhli Badan GDP-ga Soomaaliya 2018

Sheeko:Amniga

Dakhliga ka soo xarooday horyaalka  dalka Ingiriiska ama Premier League ee sanadkii tagay waxaa uu ahaa ilaa £5.8 billion ($7.3 billion).

Dakhliga ayaa ka yimid tikit-ka, waxyaabaha ay kooxaha soo saaraan sida funaanadaha iyo xuquuqda laga helo teleshinnada baahiya cayaaraha, waana dakhli ka badan GDP-ga 4 dal oo Afrikaan ah, waxaa kale uu ka badanyahay dakhliga GDP-ga Soomaaliya ee 2018-kii oo ahaa $6.2 billion.

Faa’idada uu horyaalka soo-geliyo khasnadda dhaqaalaha dalkaasi waa $4 billion halka GDP-ga dalka Ingiriiska uu qeyb ahaan ka yahay $9.7 billion, waxaa ka shaqeysa 100 kun oo shaqaale oo joogt ah, intaas waxaa dheer awoodda dalkaasi ee cayaaraha, oo waxaa daawada in ka badan 1.3 billion oo qof oo dunida ku nool.

Halkan waxaa ka cad in kubadda ay aaney aheyn cayaar uun, ee ay isku badashay ganacsi, weliba faa’ido kale.

Dalkeena Soomaaliya, cayaaraha waxaa loo heystaa uun isdhexgal iyo madadaalo, welina ma gaarin in loo badalo ganacsi.

Dowladda federaalka ah, oo ay matasho wasiirka cayaaraha iyo dhalinyarada Khadiijo Maxamed Diiriye 2 sano iyo bar oo ay xafiiska joogtay waxbo kuma soo kordhin cayaaraha dalka, lamana socoto heerarka kala duwan, gobollada waxa ka socda, mana taageerto sportiga guud ahaan, iyada oo aaney jirin wax istaatiijiyad ah oo wasaaradeeda uga aadan horumarinta cayaaraha dalka.

Dad xog-ogaal ayaa Goobjoog News u sheegay in siyaasadda qaranka ee cayaaraha ay la taalo golaha wasiirrada 2-badii sano ee la soo dhaafay halka la dedejiyey siyaasadda qaran ee dhalinyarada muddo 7 bil ah gudaheed(May-Nov 2017).

Goobjoog News