U bood dhigaalka

Caynaba: Barakacayaal Si Iskood Ah u Sameeyay Olole Nadaafadeed

Sheeko:Dalka

Haweenka Barakacayaasha ah ee ku dhaqan magaalada Caynaba ayaa si iskood ah waxa ay u sameeyeen olole nadaafadeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan kaamka Barwaaqo.

Waxa ay haweenkan oo la hadlay Goobjoog ay sheegeen in maadaama ay iyagu ku nool yihiin kaamkan aanay jirin cid ay ku tashadaan dhanka nadaafadda.

“Maadaama aan innagu ku noolnahay kaamkaasi waxaa waajib nagu ah in aan nadaafaddeena ka shaqeynno, waxaan isku xil saarnay annaga oo aan wax qalab ah haysan hadane inaan nadaafadeenna ka shaqeynno” sidaasi waxaa yiri qof ka mid ah haweenka Barakacayaasha ee ku nool kaamka barwaaqo.

Ugu dambeyn, Haweenkan sameeyey nadaafadda ayaa ka dalbaday hay’adaha arrimahaasi ku shaqada leh iney lasoo gaaraan qalab ay qashinka isaga guraan iyo sidoo kale kuwii lagu xaaqi lahaa.

Goobjoog News