U bood dhigaalka

Cabdiraxmaan Cirro “Kursigaan waxaan baneyn doonaa markii la cadeeyo xilliga doorashada Somaliland (Daawo muuqaal)

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Wadani ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan wixii maalin kahor ka dhacay Baarlamaanka maamulkaasi iyo arimo doorashooyinka ku saabsan.

Ugu horeen waa uu sheegay in isaga uu xilka baneen doono markii la gaaro watiga doorashada ama si cad loogu dhawaaqo xilliga ay dhacayso, waxaana uu sheegay in xisbigiisa uu isaga u yahay musharax.

“Xeer ayaa tilmaamaya inaan halkaan sii joogi karo, kursigaan aan ku fadhiyo iyo mida madaxweyne ee aan u socdo shacabka Somaliland ayaa igala qaalisan, kursigaan waxaan baneen doona markii la cadeeyo xilliga doorashada Somaliland” ayuu yiri Cirro.

Dhanka kale gudoomiyaha ayaa sheegay in uu qaadan doono go’aan walba oo ay soo jeediyaan golaha guurtida Somaliland, maadaama uu la wado waan waan xildhibaanada Somaliland dhexdooda ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ayaa dhinaca kale waxa uu ka hadlay xarigii loo geystay xildhibaano iyo wariyaal Hargeysa ku sugnaa maalin kahor, wuxuuna cadeeyay in taasi ay tahay mid loogu xadgudbaayo xurmada muwaadinka.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka Gudoomiye Cirro.

 

Goobjoog News