U bood dhigaalka

CECAFA oo soo saartay isku aadka koobka qaramada

Sheeko:Cayaaraha

Ururka kubbadda cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA ayaa maanta soo saaray isku aadka koobka qaramada ee dalalka ku jira ururka CECAFA, iyadoo dalka DR Congo uu marti ahaan yahay sanadkan .

Tartankan ayaa waxaa ka qeyb geli doona 12 dal oo 11 ka mida ay ku yaalliin gobalka bariga iyo bartamaha Afrika, halka dalka Jamhuuriyadda dimoqoraaddiga ah ee Congo uu amrti ahaan ugasoo qeyb geli doono. Cayaarahan ayaa ka dhici doona magaalada Kampala inta u dhexeysa 7-18-ka bisha December.

Xulka qaranka dalka Soomaaliya ayaa ku jira group-ka B waxaana kula jira dalalka Sudan, South Sudan iyo DR Congo. Xulka martida loo yahay ee Uganda ayaa ku jira groupka A waxaana kula jira dalalka Burundi, Ethiopia iyo Eritrea halka group-ka C ay ku wada jiraan dalalka Djibouti, Kenya, Tanzania iyo Zanzibar.

“Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya waxa uu tartankan u diyaariyay xirfadlayaal aad u wanaagsan
oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed u keent kara guulo waaweyn oo horomar ah Qarankeena” ayuu Goobjoog Sports u sheegay xoghayaha guud ee Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Yuusuf Muxidiin .