U bood dhigaalka

Ceel-Baraf: Askari Dilay Wiil Dhalinyaro Ah

Sheeko:Amniga

Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah gaar ahaan Milatariga  ayaa barqanimadii maanta waxaa uu  wiil dhalinyaro ah uu ku toogtay degmada Ceelbaraf ee gobalka Shabeellaha Dhexe ee hoos timaada dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Wiil dhalinyada ah ee lagu dilay Ceelbaraf ayaa waxaa uu ka mid ahaa dhalinta sida aadka ah looga yaqaano uguna firfircoon dhalinyarada deegaanka, waxaana lagu magacaabi jiray Cabaas Axmed Kaneeco.

Sidoo kale wiilka ayaa la sheegay in uu  dalawal u ahaa Aabihii oo ka mid ah ganacsatada sida weyn looga yaqaano degmada Ceelbaraf iyo deegaanada kala duwan ee gobalka Shabeelaha dhexe ee Hirshabeelle.

Dhanka kale waxaan jirin wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha ciidama Milatariga oo uu ka tirsanaa Askariga dilka u geystay marxuum Cabaas Axmed Kaneeco, shacabka ayaana siweyn u hadal haaya dilka dhacay.

Ciidamada dowladda federaalka ah qeybahooda kala duwan ee Booliska iyo Militariga ayaa marar badan waxaa ay dilal u geysteen dad shacab ah, waxaana jirin dadaal lagu joojinaayo ama lagu xakamaynaayo dilalka nuucaas ah oo mar waliba ay wajahaan shacabka.

Goobjoog News