U bood dhigaalka

Ceel Biyood Loo Dhisay Shacabka Ku Dhaqan Degmada Ceelwaaq Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Markii ugu horeysay degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo waxaa laga hirgeliyay Ceel Biyood Riig ah, kaasi oo leh biyo Nadiif ah oo dadku u baahnaayeen.

Ceelkaan ayaa dhirirkiisa waxa uu yahay 45 Mitir, waxaana hirgeliyay ganacsatada degmada Ceelwaaq oo isku tagay.

Saney Shaalle waxa uu ka mid yahay ganacsatada degmadaasi, gaar ahaan kuwa hirgeliyay Ceelkaasi, waxaana uu u sheegay Goobjoog News in markii ay u adkeysan waayeen biyo la’aanta degmada iyo sidoo kale Ceelashii halkaasi ku yaallay oo wasaqoobay inay go’aansadeen dhismaha ceelkani.

“Ceelkaan waa mid ka duwan kuwii hore ee degmada ku yaallay, waxaa dhisay Ganacsatada degmada oo is xilqaamay, mana jirto cid kale oo na kaalmeysay, Ceelkaan dadka baahidooda ayuu dabooli doonaa, maxaa yeelay kuwii ku yaallay degmada wey wasqoobeen, afkoodu waa uu feedan yahay, laakiin hadda degmada oo dhan Tubooyin baan dhigeynaa” ayuu yiri Saney.

Shacabka ku dhaqan degmada Ceelwaaq ayaa aad ugu dhibanaa Biyo la’aan muddo ka jirtay deegaankaasi, waana markii ugu horeysay oo degmadaasi laga hirgeliyay Ceel Biyood.

Goobjoog News