U bood dhigaalka

Ceelbarde: Maamulka Oo Sheegay In Xaalad Adag Oo Nolosha Ah Ay Ka Jirto Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka jirto degmadaasi iyo sidoo kale deegaannada hoos yimaada.

Guddoomiyaha degmadaasi C/risaaq Abeer Cumar oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in degmadaasi uu ku yaallay oo kaliya Hal ceel biyood, haatanna uu jaban yahay, taasi ay keentay in dadka ay biyo u raadsadaan deegaanno aad uga fog.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in dadka ku dhaqan Ceelbarde ay aad u saameysay abaartii Sima ee dalka ku dhufatay, wuxuuna meesha ka saaray iney heleen gurmadyo ku filan.

“Hadda aan idin la hadlayo wax biyo ah ma haystaan shacabka ku dhaqan degmada Ceelbarde, waxaan idiin sheegayaa in xaaladda dadka ay liitaan, hay’adihii waa ay ku fashilmeen iney wax u qabtaan dadkaasi, baahida ka jirta Ceelbarde aad ayeey u badan tahay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha C/risaaq ayaa ugu baaqay hay’adaha Samofalka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya iney gurmad dhan walbo ah la gaaraan shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Goobjoog News