U bood dhigaalka

Ceelbuuh, Sanaag Oo Isbitaal Yeelaneysa Markii Ugu Horreysay

Sheeko:Caafimaadka

Qaar ka mid ah haweenka magaalada Ceelbuuh oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa dhagax-dhigay Isbitaalkii ugu horeeyay oo ay yeelato magaalada.

Haweenka ayaa si iskood ah isku xilqaamay sidii ay magaalada uga hirgelin-lahaayeen Isbitaal dadka wax loogu qabto, iyaga oo codsaday in lagu gacan siiyo.

Magaalada Ceelbuuh ayaan horay u laheyn xarun caafimaad oo lagu daaweeyo bulshada ku dhaqan deegaankaa iyada oo dhibaato ay ku qabeen haweenka xilliyada umusha oo loo soo qaadi jiray deegaanno aad uga fog magaalada sida Boosaaso ama Badhan.

Isbitaalkan ayaa waxaa dhisaya dadka ku nool magaalada si iskaa wax u qabso, ardeyda iyo macalimiinta ayaa ugu horeeya, si bulshada Ceelbuuh oo u helaan goob caafimaad.

Qaar ka mid ah haweenka oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxaa ay dhaheen“Isbitaalkaan waan dhagax dhignay waa markii saddexaad, dhallinyaradu dhagaxda ayey shubeen waa ayna sii wadi doonnaan shaqadooda, waxaa  heysa baahi aad u weyn oo dhanka xarumaha caafimaad ah, gaar ahaan hooyooyinka iyo dhallaanka”.

Qof kale oo dadka deegaanka waxa uu yiri “ Xannuunu soo noqnoqday ayaa nahelay Isbitaalna malihin, maalin walba waxaan gaari u raacnaa Boosaaso inaan isbitaal helno ayaan ku rajo weynahay”.

Haweenka ayaa xilliga dhalmada dhibaato kala kulma adeegga caafimaad la’aan ee ka jirta magaalada Ceelbuuh, waxaa ayna sheegeen in ay doonayaan in ay dhistaan Isbitaal iyaga oo kaashana gacan ay ka helaan qurba-joogta

Goobjoog News