U bood dhigaalka

Ceerigaabo: Dhismaha Laami Cusub Oo La Dhagax Dhigay

Sheeko:Dalka

Dowladda hoose ee magaalada Ceerigaabo gobalka Sanaag ayaa markii ugu horeysay waxa ay dhagax dhigtay dhismaha laami cusub oo mari doona bartamaha magaaladaasi.

Munaasabadda lagu dhagax dhigayay wadadaan waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka mid ah degmada Ceerigaabo, iyo maamulka gobalka gobalka Sanaag.

Gudoomiyaha magaaladaasi oo halkaa hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ugu horeeen ay u mahadcelinayaan shirkadda howshaan wado, iyadoona uu xaqiijiyay in wadada Laamiga ah ee la dhisayo dhirir ahaan gaarayso 6-Km.

Shacabka ku dhaqan degmada Ceerigaabo ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan maamulka iyo shirkadda wada dhismaha laamigaan, islamarkaana hadii Laamiga uu soo dhex galo dhismayaal la burburin doono, dadkuna aysan is hortaag ku sameyn.

Dhinaca kale qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Ceerigaabo ayaa soo dhaweeyay dhismaha laamigaan cusub, waxaana ay sheegeen in muddo badan ay ku haminayeen in laami loo dhiso.

Goobjoog News