U bood dhigaalka

Ceydiid Cabdullaahi  Ilka Xanaf  Oo Xilka Laga Qaaday iyo Guddoomiye Cusub Oo Loo Magacaabay Maxkamadda Sare

Sheeko:Dalka

Waxaa Goor dhaw Xilka laga qaaday guddoomiyihii Maxkamadda sare Abuukaate Ceydiid C/laahi ( Ilka Xanaf ) iyadoo xilkaas loo Magacabay Ibraahim Iidle Sulaymaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qaaday Ceydiid C/laahi Ilka Xanaf Xilka, Lama oga sababta  xilkaas looga qaaday, laakin waxaa jiro warar sheegaya in lagu eedeeyay Musuq iyo isbada marin

Sida ku qoran Dastuurka KMG ah qodobka 90-naad awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah: Magacaabista Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga, Maxkamadda Sare iyo Garsooreyaasha kale Heer-Federaal, soo-jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka ka dib.

Abuukaate Ceydiid C/laahi ( ilkaxanaf ) waxaa jadaga loo Magacaabay April 2, 2011.

Taariikhda Guddoomiyaha Cusub Ibraahim Iidle Sulaymaan, La soco, Goordhaw.