U bood dhigaalka

Cholera (shuban biyood)

Sheeko:Caafimaadka

Cudurkan waa mid aad u halis ah oo sababa shuban biyo ah kaas oo qofka uu haleelo kadhigo mid fuuq baxa ama udhinta hadii aanan a daweyn.

Waxaa  sababa in la cuno ama lacabo biyo ku wasaqeysan jeermiska loo yaqaanoVibrio cholerae.

Cholera waxa uu kajiray oo uu ku faafsanaa  U.S. inti lagu guda jiray 1800s, xiligaa oo ahayd inti aanan lasamayn nidaamka daweynta biyaha iyo bulaacadaha.

Kadib nidaamkaasi dalka mareykanka waxaa laga dareemay is badal weyn waxaana xiligaa wixii kadambeeyey laga soo warenayey tiro aad u yar oo u halelay cudurka shuban biyoodka.

Sanad kasta hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO waxa ay soo saartaa ugu yaraan 150 ,000 case oo qaba cudurkan.

Sanadii 2013 qiyaasaadka ay soo saartay WHO waxa ay ku sheegtay in 47dal oo aduunka ah uu cudurkan kajiray , tirada dadka uu saameyeyna waxa ay ahayd 129064 ruux, 2102 dadkaasi kamid ahna waa ay u geeriyoodeen.

Cudurka shuban biyoodka waxa uu ku badanyahay goobaha nadaafadoodu ay aad u liidato, meelaha isku raranka ah, goobaha ay dagaaladu kajiraan iyo halka ay kajirto cuna yarida.

Sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters 20ka  bisha May ee sanadan aynu kujirno cudurkan waxa uu ka dilaacay xero qaxooti oo ay ku noolyihiin kumanaan qoys oo u dhashay burundi , xeradan waxa ay ku taalaa waqooyi galbeed Tanzania waxaana ku dhintay ugu yaraan 33 qof, sida uu sheegay madaxa caafimaadka gobalka Kigoma oo ay xeradaasi ku dhawdahay.

Cudurkan waxa uu ku badanyahay goobaha nadaafadoodu ay hoseeso, meelaha isku raranta ah, goobaha dagaaladu ay kajiraan iyo meelaha ay kajirto cuna yarida

Sababaha cudurka shuban biyoodka:

Waxaa sababa jeermiska loo yaqaano Vibrio cholerae, inta badana waxaa laga helaa cunada am biyaha ku wasaqaysan saxarada katimid qof qaba cudurka.

Meelaha badanaa uu ku gudbi karo waxaa kamid ah halka ay bulshadu biyaha ka cabaan, cunada iyo biyaha lagu iibiyo wadooyinka ee aanan daboolneyn, qudaarta ku baxday biya wasaqaysan, iyo cunada aan si wanaagsan loo karin.

Marka qofa uu cuno raashin wasaqaysan ama biyo,  jeermiska waxa uu mindhicirada ku sii deynayaa sun taas oo sababaysa shubanka.

Calaamadaha cudurkan:

Calaamadaha cholera waxa ay bilaaban karaa saacada gudohood ilaa shan maalmood kadib marka qofka uu usoo gudbo cudurka , mararka qaar calaamaduhu waxa ay noqon karaan kuwa sahlan ama mid aad u qatar ah.

Calaamadahani waxaa kamid ah:

  • Garaaca wadnaha oo si dhaqsi ah hoos ugu dhaca.
  • Maqaarka oo jileec noqda.
  • Cadaadiska dhiiga oo hoos u dhaca.
  • Oon fara badan.
  • Murqa xanuun.

Hadii aan calaamadahan la daweyn si dhaqsi ah waxa ay sababi karaan dhimasho.

Ka hortaga cudur ka cholera:

  • Biya nadiif ah oo lacabo.
  • Biyaha oo la karkariyo ama lagu daro jeermis dille.
  • Gacmaha oo saabuun ama dambas lagu dhaqo marka aad suuliga isticmaasho kadib.
  • Cunada oo si wanaagsan loo kariyo, la cuno inta ay kulushahay lana daboolo.
  • Nadaafada musqulaha oo lagu dadaalo.
  • In laga fogaado cunooyinka lagu iibiyo banaanada.
  • Banaanada oo aan lagu saxaroon.