U bood dhigaalka

Cidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Howlgallo Ka Sameeyey Deegaanno Ka Mid Ah Hiiraan

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgal ballaaran waxa ay ka sameeyeen deegaanno ka mid ah gobalka Hiiraan, kaasi oo amniga lagu xaqiijinayay.

Ciidamada ayaa howlaglo saf ah waxay ka sameeyeen degmada Buuloburde iyo sidoo kale deegaanka Buuloweyn oo ku dhaw degmadaasi.

Gudoomiyaha degmada Buuloburde Cabdicasiis Duurow oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in ciidamada ay qabteen dad ku howlanaa falal amniga wax u dhimaya.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in sidoo kale ay hayaan rag looga shakisan yahay Al-shabaab, balse tiradooda inta ay la egtahay ma aanu sheegin, kuwaa oo la baarayo.

Ammaanka degmada Buuloburde iyo deegaanada kale ee ku dhaw ayaa haatan u muuqda kuwo isbedal dhanka nabadda ah laga dareemayo.

Goobjoog News