U bood dhigaalka

Ciddee ayaa Xaq u leh Isu Yeeridda iyo Dhaarinta Xildhibaannada BF ee Soomaaliya?

Sheeko:Amniga

Kadib markii maamullada Galmudug iyo Koonfur galbeed ay diideen amarka FEIT ee xildhibaannada iney keenaan dokementiyada, la hubiyo, ku dhawaaqaan natiijada rasmiga ah, kadibna lasoo xareeyo xildhibaannada, shahaaddo la siiyo, ayna wareejin doonaan galalka April 11,  si loo dhaariyo April 14 ayaa waxaa go’aanka guddiga doorashada dadban ee heer federal taageeray midowga musharaxiinta iyaga oo intaa ku daray in maamul goboleedyada ay markan faraha kala baxaan arrimaha doorashada.

Midowga Musharaxiinta oo arabacadii qoraal soo saaray ayaa sheegay ahmiyadda in la dhowro qodobka 66-aad ee dastuurka, lana raaco habraaca doorashooyinkii 2016/2017 ee ku aadan mas’uuliyadda FEIT ee la xiriira waqtiyeynta dhameystirka howlaha doorashooyinka.

Qodobka 18-aad ee heshiiskii 17 September 2020, waxaa ku xusnaa in guddiga doorashooyinka heer federal ay leeyihiin qabanqaabada iyo dhaarinta xubnaha baarlamaanka.

 

Dhanka kale, safaaradda Mareykanka ayaa soo dhoweysay hadalka guddiga FEIT iyada oo sheegtay in ay muhiim tahay fulinta dhaarinta xildhibaannada ee April 14.

Goobjoog News