U bood dhigaalka

Ciidama Booliska Garoowe oo Caawa Xabsiga Dhigay Wariye Soomane

Sheeko:Amniga

Ciidamada Booliska magaalada Garowe ee Dowlad gobaleedka Puntland ayaa caawa xabsiga dhigay wariye Cumar Maxamed Soomane, oo ahaa warihii gaarka ahaa Madaxtooyada Puntland.

Lamaaha ammaanka ayaana wariyaha ku eedeeyey inuu baraha bulshada ay kuwada xariiraan uu ku faafiyey hadallo been abuur ah, taas ayaan sababtay ciidamada in ay caawa xiraan.

Wariye Cumar Maxamed Soomane ayaa dhawaan loo magacaabay wariyaha gaarka ah ee Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni, waxaana uu horay uga tirsanaa warbaahinta Kulmiye.

Goobjoog News