U bood dhigaalka

Ciidamad Kenya Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamaya J/hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada Al-shabaab  ayaa saakay aroortii waxa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Degaanka Kulbiyow oo katirsan  Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ka dhacay  Kulbiyow ayaa ahaa mid aad u cuslaa, waxaana la ogeyn khasaraha ka dhashay dagaalkaasi, iyadoo wararka soo baxayana ay sheegayaan in ciidamada Al-shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaankaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo ku  sugan deegaanka Kulbiyo ayaa inoo sheegay in xeradan oo bannaanka uga taal deegaankaasi uu dagaalka ka socdo.

Waxaa jira gaadiid la sheegay in dagaalkaasi ku gubteen, iyadoo welina la maqlayo rasaasta Labadaasi dhinac ay is weydaarsanayaan.

Bilowga sanakii tagey ee 2016, Al-shabaab ayaa weerar khasaare badan dhaliyey waxay ku qaadeen saldhig sidan oo kale ay ciidamada Kenya ugu lahaayeen deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.

Warkan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News