U bood dhigaalka

Ciidamada Ahlu Sunna oo Kala Qaaday Maleeshiyaad Isku Hor-Fadhiyay Degaanno Hoostaga Magaalada Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa howlgallo ka sameeyay degaanka Balli-howd oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Gagaduud.

Howlgalladaan ayaa yimid markii uu soo ifbaxay isqabqabsi u dhaxeeya dad xoolo dhaqato ah oo halkaas wada dega kuwaas oo isku maandhaafay dhirta la jarayo iyo qodista baraagaha biyaha laga cabo.

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ee Ahlu Sunna Cabdullaahi Beentaay oo maanta warfidiyeenka kula hadlay magaaladaasi ayaa sheegay in khilaaf soo kala dhex galay dadka degaanka awgii ay howlgallada u sameeyeen.

“Degaankaan oo ka caagan qodista baraagaha iyo jarista dhirta kadib muranno horay uga dhashay oo sidaas lagaga heshiiyay in ay ka caaganaadaan, ayaa waxaa dhowaan dhacday in meel lagu heshiiyay in aan ceel laga qodi Karin in qolo ay qodatay taasna ay mar kale khilaaf dhalisay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Wuxuu sheegay in guddi ay u xil saareen islamarkaana ay degaanka howlgallo ka fuliyeen ciidamadooda waxaana la kala qaaday maleeshiyo beeleedyo hubeysan oo dadka degaanka ahaa.

Dhanka kale, guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb Cabdullaahi Beentaay ayaa ka hadlay cabasho dhowaanahan ka imaanaysay dadka reer miyiga ah ee deggan degaannada ku xeeran magaaladaasi oo ku aadan jarista dhirta.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha wuxuu sheegay in ciddii ay ku arkaan iyadoo xaalufinaysa dhirta ay sharciga horkeenayaan.

Goobjoog News