U bood dhigaalka

Ciidamada Ahlu-sunna Oo Xabsiga Dhigay Shaqsi Sheegay In uu Yahay Madaxweynaha Gobalada Dhexe

Sheeko:Dalka

Ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca ayaa xalay xabsiga dhigay Cabdullaahi Dhoodi oo shalay duleedka Dhuusamareeb kaga dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha maamulka gobalada Dhexe.

Maamulka Ahlu-sunna ee degmada Dhuusamareeb waxay sheegeen in C/laahi uu ahaa guddoomiye waaxeed xaafad kamid ah  magaalada Dhuusamareeb, xilkiina laga qaaday taasna ay keentay inuu tallaabadani qaado.

Saraakiil ka tirsan Ahlu-sunna Waljameeca ayaa sheegay in su’aallo ay weydiinayaan shaqsigaan, taasi oo ku aadan waxa ku kallifay inuu sheegto madaxweynaha maamulka Gobalada Dhexe.

Dhoodi ayeey ciidanka kasoo qabteen deegaanka Ceeldheere oo uu ku sugnaa, kaas oo qiyaas ahaan 30 KM u jirta degmada Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb waxaa horay uga jiray maamul ay sameysteen Ahlu-sunna Waljameeca, kaasi oo ay ku sheegeen inuu ka talinayo dhammaan gobalada Dhexe ee dalka.

Goobjoog News