U bood dhigaalka

Ciidamada Al-shabaab Oo Faarujiyey Degmada Aadan Yabeel Ee Shabellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Al-shabaab ay isaga baxeen degmada Aadan Yabaal ee gobolkaasi.

Dad ku sugan degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in ciidamada Al-shabaab ay mar qura isaga baxeen halkaasi, waxaana lasoo sheegayaa in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay halkaasi ku wajahan yihiin.

Inkastoo ay yar tahay faah faahinta laga helayo halka ay aadeen Al-shabaabkii ka baxay degmada Aadan Yabaal ayaa hadana wararka qaar waxay sheegayaan inay aadeen deegaanno xigo bariga degmada Mahaday.

Xaaladda guud ee degmada Aadan Yabaal waa mid deggan, inkastoo shacabka halkaasi ku dhaqan ay ka dhowr sugayaan isbedallada ka dhacaya degmadaasi.

Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa horay u sheegay in bartamaha sanadkaan 2016 ay guud ahaan Al-shabaab kala wareegayaan gobolkaasi.

Tani ayaa imaanayso xilli ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Al-shabaab kala wareegeen degmada Jannaale ee gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoog News