U bood dhigaalka

Ciidamada Al-shabaab Oo Gudaha u Galay Magaalada Marka

Sheeko:Dalka

Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay gudaha u galeen xaafado ka mid ah magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose, kadib markii magaaladaasi isaga baxeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dad ku sugan magaalada Marka ayaa inoo sheegay in mar qura ay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ka baxeen degmadaasi, islamarkaana ay degmadaasi galeen ciidanka Al-shabaab.

Ciidamada AMISOM ee deganaa duleedka magaalada Marka weli iyagu halkaasi waa ay deggan yihiin, waxaana ciidankii dowladda ee Marka ka baxay ku sugan yihiin duleedka magaaladaasi.

Lama oga sababta ciidanka dowladda uga baxeen Marka, balse tani ayaa imaanaysa xilli Al-shabaab xalay weerar ku qaadeen saldhigga ciidanka dowladda Federaalka ku lahaayeen deegaanka Laanta Buuro ee gobolka Sh/hoose.

Goobjoog News