U bood dhigaalka

Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamaya Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in dagaal u dhaxeeya ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-shabaab uu ka socdo duleedka degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

Dagaalkaan ayaa la sheegay inuu bilowday kadib markii ciidamada Al-shabaab ay jidka u galeen ciidamo ka tirsan AMISOM oo lug ku socday.

Dagaalka ayaa xooggiisa waxa uu ka socdaa inta u dhaxeysa deegaannada Miirtuugo iyo sidoo kale Biyo Cadde oo duleedka ka ah degmada Mahadaay, lamana oga khasaaraha guud ee halkaasi ka dhashay.

Goob joogayaal aynu la hadalnay waxay sheegayaan in la maqlayo rasaas xooggan, iyadoo weli wax war ah aanay dagaalkaasi kasoo saarin maamulka gobolka Shabellaha Dhexe, AMISOM iyo Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News