U bood dhigaalka

Ciidamada AMISOM Oo Faarujiyay Degmada Qoryooley

Sheeko:Dalka

Ciidamada AMISOM ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay isaga baxeen degmada Qoryooley ee gobalka Shabellaha Hoose, iyaga oo aaday dhanka degmada Buurhakaba.

Gudoomiyaha degmadaasi Maxamed Xaaji Cismaan oo u waramay Goobjoog News waxa uu sheegay in hadda degmada Qoryooley aanay joogin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, marka laga reebo ilaalo yar oo isaga iyo ku xigeenadiisa la socota.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in xilli walba ay ka baqayaan Al-shabaab in duulaan ay kusoo qaadaan degmadaasi, waxaana uu shaki geliyay sii joogistooda degmada Qoryooley.

“Ciidamada AMISOM wey ka baxeen Qoryooley, waxaan ka baqaynaa Al-shabaabka in dagaal nagu soo qaadaan, degmada horay waxaa uga baxay ciidamada Milatariga, hadana anaga waxaa laga yaabaa in aan baxno maxaa yeelay ilaalo yar baan wadanaa, ciidan kalena meesha kuma hayno” ayuu yiri gudoomiyaha.

Sidoo kale gudoomiyaha degmada Qoryooley ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in shacabka iyo ganacsatada ku dhaqan degmadaasi ay bilaabeen in halkaasi ay isaga barakacaan, si aanay dhibaato usoo gaarin.

Goobjoog News