U bood dhigaalka

Ciidamada AMISOM Oo Howlgal Miino Baaris Ah Ka Sameeyay Inta u Dhaxeya Muqdisho Iyo Afgooye

Sheeko:Dalka

Ciidamada AMISOM ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay inta u dhaxeya magaalada Muqdisho iyo Afgooye ka sameeyeen howlgal Miino baaris ah, iyaga oo miinooyin qarxiyey.

Wararku waxay sheegayaan in meel ku dhow deegaanka Calamada ay ciidamadan ku qarxiyeen Labo miino oo dhulka ku aasnaa.

Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii la sheegay in wada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye looga shakiyey iney ku aasan yihiin walxaha qarxa.

Maamulka deegaanka lafoole oo deegaanka miinooyinka lagu qarxiyey hoostaga kama aanay hadal howlgalkaan, sidoo kalena saraakiisha AMISOM wax war ah ma aanay bixin.

Goobjoog News