U bood dhigaalka

Ciidamada AMISOM oo La Geynayo Magaalada Cadaado oo Lagu Qabanayo Shirka Gobolada Dhexe (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

gudiga maamul u samaynta gobolada dhexeGudiga maamul u sameynta gobolada dhexe ayaa maanta sharaxay qorshaha shirka oo maalmahan dardar cusub galay kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud uu codsaday in lasoo dadajiyo.

Maryan Cabdi Geedi oo ka mid ah gudiga oo Goobjoog la hadashay ayaa sheegtey in gudiga qorshahoodii hore uusan waxbo iska badalin, iyada oo beenisey warar sheegayay in madasha shirka laga badalay degmada Cadaado.

“Waxaan sugeynaa sugista amniga madasha shirka, marka ciidamo AMISOM la geeyo ayaan hawsha bilaabaynaa” ayay tiri Maryan.

Mar ay ka hadashay dhaliilo la sheegey in laga qabo xagga ergooyinka, ayay sheegtey in aanan wax dhaliil ah laga qabi karin maadaamaa aysanba jirin wax qoondeyn ah oo ay ka sameeyaan xagga ergooyinka, waxay intaasi ku dartay in hawsha ergooyinka qeybsigooda ay wali socoto.

Maalmahan waxaa socdey dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo loogu jiro dhismaha maamulka gobolada dhexe, tanina waxa ay ka dambeysey markii madaxweynaha uu dhawaan codsaday in lasoo afjaro hawsha maamul u samaynta.

Waxaa jirey musharixiin kala duwan oo ku dhawaaqayay in ay u sharaxanyihiin madaxweynenimada maamulka gobolada dhexe iyo xaflado lagu taageerayo musharixiintaasi oo dalka ka dhacayay.

Dhageyso

Goobjoog News