U bood dhigaalka

Ciidamada AMISOM oo qarax lagula eegtay Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo garaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay wadada Af-madow ee magaaladaas.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miinada dhulka lagu aaso isla markaana laga hago aalada remote Kontoroolka waxaana lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo halkaas marayay.

Warar hor dhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in dad shacab ah ay ku waxyeeloobeen qaraxan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in afar ka tirsan shaqaale ka howl gala goob dhisme ah ay ku dhaawacmeen qaraxan iyadoo ay jiraan warar sheegaya in waxyeello soo gaartay gaari ay leeyihiin AMISOM.

Wixii war ah ee ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM.