U bood dhigaalka

Ciidamada Ammaanka Boosaaso Ayaa Gacanta Ku Dhigay Nin Oromo Ah Oo Dil Geystay

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in Magaalada gudaheeda lagu arkay Meydka nin ka soo jeeda dalka Itoobiya gaar ahaan Qoomiyadda Oromada.

Wararka waxaa ay tilmaamayaan in ninkan uu dilay nin kale oo ka soo jeeda isla qoomiyadda Oromada waxaa uuna dilka ninkan Salka ku hayaa Khilaaf soo kala dhexgalay labada nin.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafadda lagu magacaabo Magaalo Cad oo ay deganyihiin dadka Oromada ah kuwaasi oo ka soo jeeda Itoobiya.

Ciidamada Ammaanka Magaalada Boosaaso ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay gacanta u soo dhigeen ninkii dilka u geystay kaasi oo isna ka soo jeeday Oromada waxaana Su’aalo lagu weydiinayaa Saldhigga Boosaaso.

Ilaa iyo hadda si cad looma oga waxaa uu salka ku hayo khilaafka soo kala dhex galay labada nine e Oromada ah waxaa ayna goob joogayaal ay sheegeen in raggaan ay isku meel deganaayeen.

Goobjoog News