U bood dhigaalka

Ciidamada Ammaanka Puntland oo Howlgallo Kawada Boosaaso

Sheeko:Amniga

Ciidamada ammaanka magaalada Boosaso oo howlgallo kala duwan ka wada xaafadaha magaaladaasi, ayaa sameeyey hub aruurin, waxaana howlgalka iska kaashanaayey ciidamada PSF Puntland iyo kuwa PMPF.

Taliska Booliska gobolka Bari oo qeyb ka ahaa howlgalka ayaa sheegtay in howlgalka u jeedka laga lahaa uu yahay sidii loo xaqiiijin lahaa ammaanka guud ee magaalada oo mararka qaar ay ka dhacaan falal lid ku ah aminga Bosaso.

Howlgalladaan hub aruurinta ah ayaa waxaa ay ku soo aadayaan iyadoo magaalada Bosaso ay tahay goobta labaad ee loo asteeyey doorashooyinka xildhibaannada labada gole heer federaalka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News