U bood dhigaalka

Ciidamada Amniga B/weyne Oo Sameeyay Howlgallo Lagu Qaadayay Isbaarooyin

Sheeko:Amniga

Ciidamada amniga B/weyne ayaa Maanta waxay Magaaladaasi ka sameeyeen howlgallo lagu qaadayey Jidgooyooyin.

Inta uu howlgalka socday ayeey ciidankan waxay iska caabin kala kulmeen maleeshiyaad lacago ka qaadi jiray gaadiidka dadweynaha.

Ciidamada ayaa howlgalkan waxaa ay ku baadi goobayeen Maleeshiyaadka sida sharci darrada ah u dhigta jigooyooyinka gaadiidkana uga qaata lacago baad ah.

Todobaadyadii ugu dambeeyay duleedka Magaalada B/weyne waxaa ka soo badanayay Isbaarooyin badan oo ay dhiganayeen kooxo burcad waxaa ayna lacago uga qaadi jireen gaadiidka dadweynaha.

Dhanka kale Guddoomiyaha gobolka Hiiraan C/laahi Axmed Maalin Sufurow ayaa u digey dad uu sheegay in ay huriyaan dagaal beeleedyada ka jira deegaanno ka mid ah gobolkaasi.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in tallaab adag ay ka qaadi doonaan cid walbo oo isku dayda iney isku dirto beelaha wada deggan gobolkaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulkooda uu wado dedaallo badan oo lagu xallinayo colaadaha, islamarkaana ay wadaa dib u heshiisiin.

Shacabka gobolka Hiiraan ayuu ugu baaqay in dhankooda ay is cafiyaan, nabadda qaataan, eegaanna gobollada kale ee dalka kuwooda xasiloon iyo horumarada ka jira.

Goobjoog News