U bood dhigaalka

Ciidamada Asad Oo Mucaaradka Siiyay Digniinta Ugu Dambeysa

Sheeko:Dalka

Ciidamada Nidaamiga ee Asad ayaa waxaa ay mucaaradka dalkaasi ku  sugan bariga Xalab siiyeen digniintii ugu dambeysay ee ay uga baxayaan magaalada.

Ciidanka ayaa waxaa ay wadaan daad-gureynta rayidka iyo dadka ku haray magaaladaas ay mucaaradka heysteen mudadii 4-ta sano ee la soo dhaafay.

Mas’uul u hadlay mucaaradka hubeysan ayaa waxaa uu sheegayaa in aaney ka tagi doonin magaalada tan iyo inta ay ka baxayaan dhamaan rayidka halkaas ku sugan.

Asad ii garab ka helaya Ruush-ka, Iran iyo wadamo kale ayaa waxaa uu dil iyo barakac ku wadaa malaayiin ku nool mid ka mid ah magaalooyinka ugu weyn dalka suuriya

Goobjoog News