U bood dhigaalka

Ciidamada Asluubta Oo u Dabaaldegaya Sanadguuradooda 49-aad

Sheeko:Dalka

Maanta oo Sabti ah waxa ay ciidamada Asluubta Soomaaliyeed u dabaaldegayaan markii la aas-aasay ciidankaasi, waxaana Muqdisho iyo meello kale oo dalka ah lagu qabanayaa munaasabadda maalintan.

Madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa iney ka qeybgalaan munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacaysa xarunta taliska ciidanka Asluuubta ee magaalada Muqdisho.

1970-kii ayaa la aas-aasay ciidanka Asluubta, waana ciidamada gacanta ku haya xabsiyada dalka iyo sidoo sidoo kale dhaqan celinta maxaabiista.

Goobjoog News