U bood dhigaalka

Ciidamada Badda ee Japan ee Biyaha Soomaaliya Ku Sugan oo Markii Lixaad Waqtiga Loo Kordhiyey

Sheeko:Dalka

Dowladda dalka Japan ayaa markii lixaad muddo sanad ah oo kale u kordhisey ciidamadeeda badda ee ku sugan biyaha Soomaaliya si ay u illaaliyaan maraakiibta ganacsi ee dalkaasi ee maraya badweynta Hindiya si aanay kooxaha burcad badeeda u afduubanin.

Maraakiibta dagaalka ee Japan ayaa biyaha Soomaaliya ku sugnaa illaa sanadkii 2009-kii, iyada oo markasta oo uu waqtiga ka dhoco muddo kordhin loo sameynayay, iyaga oo qeyb ka ah maraakiib kale oo dagaal oo ka socdo waddamo dhawr ah.

Bishii May ee lasoo dhaafay ayay Japan markii ugu horeysey soo magacoowdey sargaal sare oo noqdey taliyaha guud ee ciidamada qaramada badan ka socda ee Soomaaliya ku sugan.

Weeraradii kooxaha burcad badeeda ayaa aad hoos ugu dhacay sanadihii lasoo dhaafay, iyada oo labadii sano ee lasoo dhaafay aysan dhicin wax weeraro ah.

Goobjoog News